Ku soo dhowoow bogga internetka ee Xafiiska Maxkamadda Danbiyada iyo Adeegga Xeer Ilaalinta (Crown Office and Procurator Fiscal Service). Xafiiska Maxkamadda Danbiyada iyo Adeegga Xeer Ilaalintu waxay idiin soo gudbinayaan adeeg madax banaan oo la xiriira dacwo oogista guud iyo adeegga baarista dhimashooyinka. Waa waax ka tirsan Waaxda Fulinta ee Iskotlaan
Scottish Executive waxaana madax ka ah Lord Advocate.
Waxaan rabnaa inaan ku dadaalno sidii qof kasta oo u baahdaayi uu ku ogaan lahaa hawlaha aan qabano, sidaa awgeed ayaan soo saarnay macluumaad dheeraad ah oo luqado kala duwan ku qoran qaabab kala duwanna u samaysan.
Fadlan riix gudbiyaha hoose si aad u heshid macluumaadka aad u baahan tahay. Haddii aad hoos ka waydid macluumaadka aad raadinaysid fadlan
la xiriir qof ka tirsan kooxdayada isku dhafan kuwaasoo kaa caawin kara wixii aad ka codsatid.